Hadal mugdi geliyay Dastuurka galmudug Oo ka soo yeeray Cadaado & Culumada Soomaaliyeed Oo..... * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Hadal mugdi geliyay Dastuurka galmudug Oo ka soo yeeray Cadaado & Culumada Soomaaliyeed Oo…..

Cadaado ( mareeg news)
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo hoggaaminaya garabka Galmudug ee ku sugan Cadaado ayaa uga digay Madaxda maamul goboleedyada inay xilligan la saftaan Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

” Dastuurka Galmudug gaalkeeda iyo muslinkeeda  waxuu xaq u siinayaa qof walaba  inuu helo xaqiisa”

Waxaa uu ugu baaqay in haddii ay soo faragelinayaan khilaafka Galmudug looga baahan yahay inay dhex dhexaad ka noqdaan ama ay banaanka ka joogaan.

“Waxaan rabaa inaan u digo Madaxda dowlad goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan, waxaan idinka codsaneynaa Madaxda dowlad goboleedyada inaad dhammaantiina taageertaan mowqifka Galmudug, hadii aad arrintan soo faragelineysaan si dhexdhexaadnimo ah ku soo gala”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey.

MAXAMED XAASHI CARABEEY

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug ayaa waxaa uu u muuqdaa mid aan wali xal loo helin, iyadoo guuldareystay wada hadal dhex dhexaadin ah oo ay waday dowladda Federaalka, kaddib markii shir la isugu yeeray madaxda Galmudug ay diideen Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir.

Culumada iyo aqoonyahanka reer galmudug ayaa na wali ka hadlin dhawaqa madaxweeyne ku xigeenka ee ah In Dastuurka  galmudug gaalkeeda iyo muslinkeedaba xaqsiinaayo, Arintan ayaa ah hadal heeynta ugu badan ee baraha bulshada.

Galmudug oo dhisamaheeda ay hareeyeen khilaafaad ayaa mar kale khilaafkii ragaadiyay maamulkaas uu u muuqdaa mid dib u soo cusboonaaday, waxaana haatan Madaxda maamulkaas ay kala saldhigteen Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug iyo Cadaado oo horay u aheyd xaruntii KMG

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!