Haan Lagu Arkay Xeebta Jazeera Ee Duleedka Muqdisho Oo Dadka Looga Digay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Haan Lagu Arkay Xeebta Jazeera Ee Duleedka Muqdisho Oo Dadka Looga Digay

Muqdisho, Mareeg.com: Deegaanka Baqal oo ku dhow deegaanka Jazeera ee dhaca Xeebta Koonfureed ee Mqudisho ayaa lagu arkay haan xiran oo aan la garan waxa ku jira.

Dadka deegaanka oo ka shkiyey haantaan ayaa kusoo wargeliyey maamulka degmada wadjir ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas manta tegay maamulka degmada iyo weriyaal.

Maamulka Degmada Wadajir iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida oo maanta kormeer ku tegay deegaanka hanta lagu arkay ayaa sheegay iney halkaas tageen kadib markii dadka deegaanku soo gudbiyeen codsi la xiriira in haantaan wax laga qabto.

Guddoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka Benaadir Axmed Xasan Caddow “Axmed Daaci” ayaa sheegay in deegaanka Baqol ee ka tirsan Jaziira ay ku arkeen Haan waxa ku jira aan la garaneynin, wuxuuna shacabka deegaanka uga digay in ay u dhawaadaan Haantaasi ilaa iyo inta looga soo dirayo khuburo arrimahaasi wax ka ogaata.

Axmed Daaci ayaa xusay in ka maamul ahaan aysan wax ka qaban karin Haanta oo aysan garaneynin waxa ku jira, wuxuuna xusay in dowladda dhexe ee Soomaaliya looga fadhiyo inay halkaasi u dirto dad arrimahaasi khubaro.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen inay mar qura arkeen Haan yar oo sida gantaalka oo kale u sameysan, islamarkaana aysan garaneyn waxa ku jira.

Haamaha nuucaan ayaa sanadihii lasoo dhaafay lagu arkayey qeybo kala duwan oo ka tirsan xeebaha dalka Soomaaliya, mana jirto ilaa hadda hal haan oo waxa ku jira la cadeeyey.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!