Guuleed: Alshabaab Waxey Rabeen Iney Galaan Hotelka Oo Dadka Degan Laayaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Guuleed: Alshabaab Waxey Rabeen Iney Galaan Hotelka Oo Dadka Degan Laayaan

Muqdisho, Mareeg.com: Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ciidamada amaanka Soomaaliya xabaka u dhigeen khtar weyn oo Alshabaab la doonayeen dad aan hubeysneyn oo ku jiray hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaasoo xalay lagu qaaday weerar loo adeegsaday labo gaari oo is qarxiyey.

Wasiir Guuleed ayaa hadalkaan jeediyey kadib markii uu xalay Isbitaalka Madiina ku booqday qaar ka mid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobay qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in uu fashilmay isku deygii Al-Shabaab, waxa uuna timaamay in ujeedadoodu aheyd sidii ay gudaha Hotelka u gali lahaayeen, si ay qasaaro badan ugu geystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Ku tala galka Alshabaab wuxuu ahaa iney Hotelka oo galaan, oo martida deganeyd Hotelka ay laayaan ama afduub ahaan u qabsadaan, waana la fashiliyay isku daygaas” ayuu yiri sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed.

C/kariim Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan hey’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya si ay ciidamada ugu fududaato gudahsada waajibaadkooda iyo ka hortagga weerarada Alshabaab.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.