Guriceel: Maxkamada taabacsan Ahlusuna oo riday xukun dil ah

Guriceel – Mareeg.com: Maxkamadda maamulka Ahl-Sunna Wal-Jameeca ee deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku ridday nin la sheegay in uu horay u dilay nin kale.

Cabdifataax Axmed Cali ayaa lagu xukumay dil toogasho ah kaddib markii lagu helay dambi ah in uu si ula kac ah u dilay marxuum la oran jiray Cabdulle Cadceed Colaad.

Garsooraha maxkamadda xukunkan ridday Sheekh Siciid Sheekh Maxamed ayaa sheegay in xukunka dhawaan la fulin doono.

Wuxuu sheegay in qoysaska ay ka soo kala jeedaan ninka la xukumay iyo marxuumka dhintay ay ku qanceen go’aanka maxkamadda.

Wey yareyd in la maqlo xukuno nuucaan oo kale ah oo ay ridayaan maxkamo hoosyimaada Ahlusuna Waljamaaca.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245