
Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah weerar ay xalay rag hubeysan ay ku galeen guri ku yaala degmada Wadajir oo uu deganaa sarkaal ak tirsan ciidamada nabad sugida iyago halkaa ku diley afar ruux oo guriga ku sugneyd.
Weerarka oo la sheegay inay geysteen lix dhanlinayaro ah oo Bistoolado ku hubeysan lana aaminsanyahay iney ka tirsanyihiin Shabaab, ayaa waxey halkaasi ku dileen 4 qof oo ay ehel ahaayeen sarkaalka guriga deganaa oo xiligaas ka maqnaa guriga.
Sarkaalka ka badbaaday weerarka ayaa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in daqiqiado yar ka hor uu ka baxay gurigiisa la weeraray oo ku yaala xaafada Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir.
Afarta ruux ee lagu diley weerarka ayaa la sheegay in labo ka mid ah ay ahaayeen ilaalada sarkaalka.
Weerarkan qorsheysnaa ayaa ka duwan kuwo hore uga dhici jirey magaalada Muqdisho iyadoo hore kooxaha bistooladaha ku hubeysan ay wadooyinka ku weerari jireen dadka ay doonayaan inay qaarijiyaan.