Mareeg Media
Somalia

Guri ku yaalla Mqdisho oo hub farabadan laga soo saarey

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya howlgal gaar ah oo ay sameeyeen ay hub farabadan kasoo saareen Guri ku yaalla muqdisho una dhow Xarumo muhiim ah.

Gurigaan ayaa waxaa uu kasoo horjeedaa Xarunta Ciidamada Afisooni ee degmada Xamar Jajab ,waxaana la sheegay in Ciidamada ay Guriga kasoo saareen Hubka noocyadiisa kala duwan iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Xog ay heshay Mareeg.com ayaa waxaa ay sheegeysaa in Guriga ay kiro ahaan u deganaayeen Saddex Dhalinyaro ah oo aan la ogeyn waxa ay ka Shaqeyn jireen,isla markaana xilliga la qabanayey ay guriga ka maqnaayeen.

Hay’adaha amniga Soomaaliya wax fah faahin ah kama bixin howlgalkaas oo fashil ku ah maadaama Guri ku yaalla kasoo horjeeda xerada weyn ee Ciidamada Afisooni la ogaan waayey waxa ku jira.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!