Guri Aan Loo Maleeysaneey oo lagasoo qabtay Rag Bastoolado ku Hubeeysan .
muqdisho ( Mareeg News ) Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan howlgal ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen guri ku yaal degmada Waaberi gaar ahaan halka loo yaqaan Ansalooti taasoo ay ciidamadu ku soo qabteen labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada nabad sugida ee howlgalkan fuliyay ay bartilmaameedsadeen guri ay degenaayeen rag lagu tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.
Hase yeeshee iska caabin ayay kala kulmeen ciidamada howlgalkan sameeyay balse waxaa ay ugu dambeyntii ay gacanta ku dhigeen labada ruux ee hubeysnaa kuwaasoo mid kamid ah uu ku dhaawacmay is rasaaseyn dhex martay ciidamada howlgalkan fuliyay.
Hase yeeshee ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya in raggan la qabtay ay xubno ka ahaayeen ururka Al-Shabaab.
Degmada Waaberi ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ee ugu badan ee ay raga ku hubeysan bastooladaha ku dilaan dad iyadoo dilkii ugu dambeeyay loogu geystey nin ka tirsanaa shaqaalaha baarlamaanka.
Comments are closed.