Gugoomiyihii Baanka Dhexe Ee Soomaaliya: Cagajuglyen Ayaan Isu Casilay

Read Time:57 Second

Muqdisho, October 8, 2013: Gudoomiyihii xilka ka tagtay ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abrar ayaa ka hadashay sababta ay isaga casishay xilkaas si lama filaan ah, iyadoo magacaawneyd muddo 7 usbuuc ah.

Gudoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Soomaaliya Yusur Abrar ayaa sheegtay iney is casishay kadib markii ay sida ay tiri ay hanajabaad kala kulantay rag aad ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya.

“Rag aad ugu dhow Madaxweynaha ayaa ii caga jugleeyey, arrinyaas darted ayaana isu casilay, waxay doonayeen inaan u saxiixo mashaariic lacago malaayin doolar ku baxeysa” ayay tiri Yusur Abrar.

Yusur Abrar ayaa markii ay is casishay looga yeeray magaalada Brussels sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Bankiga Dhexe, si ay warbixin uga siiso Midowga Yurub sababaha ay isu casishay.

Midowga Yurub ayaa shirkii New Deal ee dalka Biljimka ka dhacay Soomaaliya ugu yaboohay malaayiin doolar, hase ahaate waxaa shardi looga dhigay iney Soomaaliya hagaajiso nidaamkeeda maamliyadda.

Shalay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan waxey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmeen xubno ka socday dalalka deeq bixiyeyaasha, iyadoo lagu weydiiyay su’aalo aheyd sababtii ay isu casishay Gudoomiyihii Bankiga Dhexe.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %