Gudoonka baarlamanka oo iclaamiyey waqtiga codka kalsoonida loo qaadayo Xukuumadda cusub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoonka baarlamanka oo iclaamiyey waqtiga codka kalsoonida loo qaadayo Xukuumadda cusub

Mareeg.com: Guddoonka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa iclaamiyey goorta xukuumadda faraha badan ee RW Cumar C/rashiid la horgeynayo baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya,  Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay go’aanka guddoonka Barlamaanka ayaa yiri “Guddoonka waxa uu soo saaray in maalinta sabtiga ah ee soo socota in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu Barlamaanka horkeeno golaha wasiirrada cusub iyo barnaamijka Xukuumadda oo koonan iyadoo lagu guda jiro dhammaadka kalfadhiga Shanaad ee Barlamaanka Somalia”.

Guddoomiye labaad ee Barlamaanka ayaa hadalkiisa intaa ku daray in mudaneyaasha ay kulankaasi ka soo qeyb-qalaan si codka Kalsoonida loogu qaado Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaaraha Somalia.

In ka badan 100 Xildhibaano oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay shirar kala gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si cad uga soo horjeestay Xukuumada cusub oo uu Isntiintii soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Xukuumadda cusub waxey codka kalsoonida ku heli kartaa codadka 50%+1 ee xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kuwasoo ka kooban 275 xubnood.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!