Muqdisho, Mareeg.com: Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo gudiyada joogtada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa iney maanta isugu yimaadaan shir gaar ah si waqti loogu qabto ka doodista mooshinka qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya kazoo gudbiyeen xukuumadda R/wasaare Saacid.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa Gudiyada joogtada ee baarlamaanka kala hadlaya dejinta ajandaha ugu soo horeeya baarlamaanka oo noqonaya mid lagaga dooda mooshinka loo soo gudbiyay.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heysan kara muddo 5 maalmood hadii mooshin loo soo gudbiyo, sida uu qabo xeer hoosaadka, iyadoo ay qasab tahay in la horkeeno Baarlamaanka ugu dambeys maalinta lixaad.
Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii mooshin ay ku saxiixnaayeen ilaa 168-xildhibaan loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka, kaasoo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Khilaafka soo kala dhexgalay madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Saacid ayey lagama maarmaan noqotay in lagu xalliyo baarlamaanka Soomaaliya.
Mareeg.com