Muqdisho, Mareeg.com: Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codasaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu Raysul Wasaaraha cusub Cabdi Weli Sheekh Axmed horkeeno golaha shacabka maalinta arbacada ah.
Kulan ay shalay Muqdisho ku yeesheen 16-ka guddi ee joogatada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii uu dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari oo sheegay iney madaxweynaha ka doonayaan inuu 18-ka bishaan R/wasaaraha cusub horkeeno baarlamaanka.
Dhanka kale, Prof. Jawaari ayaa ka dalbaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iney soo xaadiraan kulamada baarlamaanka maadaama ay jiraan howlo culus oo ay ugu horreyso ansixinta R/wasaaraha iyo xukuumadda uu soo dhisi dooni iyo hwolo kale.
12-kii biahaan December 2013 ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu R/wasaare u magacaabay Cabdi Weli Sheekh Axmed, kadib markii Saacid uu waayey kalsoonida baarlamaanka.
Mareeg.com