Gudoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday & gudoomiye hore oo lasoo celiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday & gudoomiye hore oo lasoo celiyey

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa xilka looga qaaday wareegto kazoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xilkaas mar kale loo magacaabay gudoomiyihii hore ee gobolkaas C/fataax Xasan Afrax.

Wareegtada ayaa lagu xusay in C/fataax Xasan Afrax muddo 6 bilood ah ahaan doono gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Gudoomiyaha cusub C/fataax Xasan Afrax ayaa haatan ku sugan Muqdisho, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda gaaro gobolka Hiiraan.

Shabakada Maree.com oo heshay nuqul ka mid ah wareegtada ayaa ku xusneyd in C/fataax Xasan Afrax uu muddo lix bilood uu noqonayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

“Markuu ogaaday madaxweynaha mudadii KMG aheyd ee Gudoomiyenimada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, una u baahan yahay Gobolka Gudoomiye, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo dhisda Maamulada gobolada iyo degmooyinka, si musqtaqbalka u dhismaan Maamul goboleedyada, laga bilaabo maanta waxaa xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan loo magacaabay Mudane C/fataax Xasan Afrax muddo lix bilood ah”ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Cabdi Faarax Laqanyo ayaa xilkan loo magacaabay bishii April ee sanadkii hore ee 2013, waxaana xilligaas xilka laga qaaday gudoomiyaha manta dib loo magacaabay ee C/fataax Xasan Afrax.

C/fataax Xasan ayaa mar waxaa uu isku magacaabay madaxweynaha maamulka Dooxada Shabelle, waxaase wadahadal kadib uu sameeyey tanaasul, iyadoo dowladdii Madaxweyne Shariif u magacaabay in gudoomiyaha gobolka Hiiraan, markii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay la wareegeen magaalada Beledweyn dhamaadkii sanadkii 2011.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!