Gudoomiyihii degmada Xamarweyne oo xabsiga la dhigay kadibna lasii daayey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyihii degmada Xamarweyne oo xabsiga la dhigay kadibna lasii daayey

Mareeg.com: Gudoomiyaha degmada Xamarweyne ee maamulka gobolka Banaadir, C/qaadir Maxamed C/qaadir iyo ku xigeenkiisii dhanka arrimaha bulshada ayaa waxaa xiray ciidamada nabadsugidda Soomaaliya.

Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa la sheegay in loo heysto musuq lagu sameeyey gargaar loogu talagalay ciidamada naafada xooga dalka ee Muqdisho ku nool.

Wararka ayaa intaasi ku daray in labada masuul lagu xiray amar kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa xiray ganacsato la sheegay inay iibsadeen raashiinkaasi iyo dad la sheegay inay u kala dalaalayen ganacsatada iyo masuuliyiinta la xiray.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka gaabsaday inuu arintaan ka hadlo, waxaana socda baaritaano arintaasi ku aadan.

16-kii bishaan ayaa ayay aheyd markii Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee dowlada Soomaaliya uu shaaciyay iney ku raad joogaan Masuuliyin ka tirsan Dowlada iyo ganacsato lagu eedeeyay iney musuqmaasuqeen gargaar loogu tala galay dad tabaaleysan oo ku nool Magaalada Muqdisho.

Degmada Xmar Jajab ayaa booliska iyo Xeer Ilaalintu kusoo bandhigeen labo gaari oo xamuul ah, kuwaasoo siday raashin gargaar ah oo ay leexsadeen mas’uuliyiin aan la magacaabin.

Booliska iyo Xeer Ilaalinta ayaa horay u sheegay in la hayo 4 ruux oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen fal-danbiyeedkan, qaar kalana lagu dabajiro.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Maxamed Xasan Nuur ayaa maalintaas sheegay in lagu raadjoogo mas’uuliyiin ku lug lahaa falkaan, maxkamadna lasoo taagi doono iyadoo laga qaaday xasaanadda.

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa xalay dib u helay xorriyadiisa, sida uu isaguba sheegay.

Guddoomiye C/qaadir ayaa sheegay in xalay abaaro 1:00 “Todobo saac” uu dib u helay xuriyadiisa oo lasii daayay, kadib markii wax dambi ah lagu waayay sida uu sheegay.

“Dhammaan Asxaabteyda Waad mahadsan tihiin, xilligan oo ay Saacadu ku beegan tahay 1:00 saqda dhexe, waxaan idinla socodsiinayaa inan xoriyadeyda dib u heylay kadib saacado la waday baaritaan, Alxamdulilaah bari subax shaqadeyda dib ayaan u bilaabayaa mudadii yareedna waxan idiin sheegaa in wax danbi ah la igu waayay (daacadi ma hungowdo) ayuu bartiisa bulshada ku qoray C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Waxana diyaar u ahay inaan ushaqeeyo shacabkeyga waliba si daacad ah” sidaasi ayuu yiri gudoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!