Gudoomiyihii degmada Kaaraan oo si awood ah xilka looga qaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyihii degmada Kaaraan oo si awood ah xilka looga qaaday

Muqdisho – Mareeg.com: Kadib markii saaka ciidamo xoog leh oo ka tirsan booliska iyo nabadsugiddu la wareegeen amaanka xarrunta iyo saldhoga booliska degmada Kaaraan, ayaa waxaa halkaas tegay gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxaana xilka si awood ah looga qaaday gudoomiyihii degmadaas Cali Calasow oo diiday inuu aqbalo wareegto xilka looga qaaday.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan, oo lagu magacaabo Axmed Xasan Yalaxow ayaa xilka loo dhiibay, iyadoo lagu wareejiyey xarrumaha maamulka degmada Kaaraan.

Gudoomiyaha cusub ee Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow ayaa  sheegay inuu waxbadan ka qadan doono arrimaha amaanka iyo bulshada ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyihii hore ee degmada Kaaraan oo hadal kooban jeediyey ayaa aqbalay inuu xilka wareejiyo, wuxuuna sheegay inuu la shaqeynayo maamulka cusub.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Muungaab oo ay aheyd xil wareejintii ugu horreysay oo uu ka qeybgalo ayaa sheegay in gadaashiisa ay taagan yihiin booliska iyo nabadsugidda gobolka Banaadir, oo uusan kaligiis iska socon.

Warka Muungaab ayaa u muuqday mid ku socday gudoomiyihii hore ee Kaaraan Cali Calasow oo markii hore ka madax adeygay inuu xilka wareejiyo, hase ahaatee cadaadis kulul kadib goobta xafladda yimid oo ku dhawaaqay inuu xilka wareejiyey.

Gudoomiyihii hore ee degmada Kaaraan Cali Calasow ayaa noqonayta gudoomiyihii ugu horreeyey ee xilka awood looga wareejiyo, iyadoo isaga ka hor ay 5 gudoomiye degmo xaflado la qabtay wareejiyeen xilalkii ay hayeen.

Mareeg Meida

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!