Gudoomiyihii degmada Deyniile oo xilka laga qaaday

Read Time:36 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Guddoomiyihii degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, Xiirey Muxyaddiin Cumar ayaa maanta laga qaaday xilkii, iyadoo beddelkiisa la magacaabay Ciise Maxamuud Guure.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magalaada Muqdisho Xasan Maxamad Xuseen (Mungaab) ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Dayniile.

Xaflad uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub ayaa lagu qabtay xarunta degmada Dayniile. wuxuuna Ciise Maxamuud Guure shaaca ka qaaday in qorshihiisa ugu horreeya uu yahay wax ka qabashada amniga degmada, isagoo xusay inaan la oggolaan doonin in degmada hub lagu dhex qaato.

Shalay ayay aheyd markii xilka wareejiyey gudoomiyihii hore ee degmada Waabari Axmed Meyrre Makaraan.

Waxaa horay xilalka u wareejiyey gudoomiyaasha degmooyinka Shibis, Boondheere, Kaaraan, Hliwaa, Dharkeynley, C/caziiz, Xamarweyne iyo Waabari.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.