Gudoomiyihii degmada Cabdilcaziiz oo xilka laga qaaday & mid cusub oo la magacaabay
(Sawir hore, gudoomiyaha cusub ee degmada Cabdilcaziiz)
Muqdisho – Mareeg.com: Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyaha Degmada C/casiis, C/llaahi Xuseen Xasan (Fanax).
Gudoomiyaha cusub ee degmada C/caziis ayaa wareegtada loogu magacaabay nin lagu magacaabo Cismaan Muxidiin Cali, waxaana la filayaa inuu waqtiyada dhow uu xilka la wareego.
Xilka qaadista Gudoomiyaha C/caziiz, ayaa noqonaya Gudoomiyihii 5aad ee uu xilka ka qaado Muungaab, waxaana ka horeeyay gudoomiyaashii degmooyinka Huriwaa, Shibis, Dharkeenleey iyo Boondheere.
Waxaa suurgal ah in xilka laga qaado gudoomiyaal kale oo ay ka mid yihiin gudoomiyeyaasha degmooyinka Xamarweyne, Kaaraan, Yaakhshiid iyo Dayniile.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Jen. Muungaab ayaa markii xilka loo magacaabay durba bilaabay inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah gudoomiyaashii degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo ku bedelaya rag dhallinyaro ah, hase ahaate ku beel ah gudoomiyaha xilka laga qaaday.
Mareeg Media
Comments are closed.