Gudoomiyihii degmada Buurhakabo oo lagu dilay weerar dhabagal ah

Read Time:36 Second

Mareeg.com: Gudoomiyihii degmada Buurhakabo ee gobolka Baay, Max’med Xasan Cali Maamoow ayaa maanta lagu dilay iska horimaad ka dhacay deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, xilli uu halkaas socdaal ku marayey.

Baraha Alshabaab ku leeyihiin Internet-ka ayaa lagu sheegay in dilka gudoomiyahaas ay ka dambeyeeyn koox ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo ku qaaday weerar dhabagal ah sida warka loo dhigay.

Gudoomiyaha ayaa markii la weerarayey kusii jeeday magaalada Muqdisho, waxaana lala dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa. Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa gurmad u sameeyey, oo kasoo qaaday goobta lagu weeraray.

Maxamed Cali Maamow ayaa ka yimid dalka Norway, waxaana uu ahaa milkiilaha website-ka Buurhakaba.com, dhowaan ayaa xilka Gudoomiyaha degmada Buurhakaba loo magacaabay.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %