Gudoomiyihii baarlamanka Jabuuti oo geeriyooday & Prof. Jawaari oo tacsi diray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyihii baarlamanka Jabuuti oo geeriyooday & Prof. Jawaari oo tacsi diray

Mareeg.com: Guddoomiyihii baarlamaanka dalka Jabuuti, Idiris Arnaoud Cali ayaa xalay ku geeriyooday xarunta Jabuuti ee Jabuuti, waxaana geeridiisa timid kaddib xanuun maalmahan hayay.

Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay geerida guddooomiyaha baarlamaanka Jabuuti, isagoo xusay in lasoo gaarsiiyay dhabaal ku saabsan geerida dhiggiisa Jabuuti.

Allaha u raxmadee Idriss Arnaoud Ali ayaa maanta Aas loogu sameeynayaa xarunta Jabuuti, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgeli doonaan xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Jabuuti.

Geerida guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa la sheegayaa inay ahayd mid kadis ah, waxaana kusoo booday cudur halis ah oo aan la sheegin nooca uu yahay.

Marxuumka ayaa ahaa guddoomiyihii baarlamaanka Jabuuti oo safar ku yimaada Muqdisho, iyadoo wafdi uu hoggaaminayo ay maalmo ku sugnaayeen caasimadda Somalia.

Dhanka kale, Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga tacsiyeeyay geeridii ku timid gudoomiyihii baarlamanka dalkaasi.

Jawaari ayaa u rajeeyay gudoomiyihii baarlamanka dalkaasi ee xalay geeriyooday in Jannadii Fardowsa Alle ka waraabiyo, dowladda iyo shacabka reer Jabuutina uu samir iyo Iimaan Alle ku siiyo.

“Waxaan aad u xasuustaa in uu ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamanka noogu yimaada markii aan bilownay kalfadhigeeni koobaad, khudbadii meesha uu ka jeediyay aadbaan u xasuustaa gabdhaha xildhibaanada ah ee safka hore fadhiyay wey ilmeeyeen ereyada uu jeediyay iyo qiimaha Jabuuti ay ugu fadhido dalka kan inuu hagaago, waxaana ereyadiisii ka mid ahaa Jabuuti Ereteriya sooma haweeysateen haddii ay jamhuuuriyada Soomaaliya dhisantahay” ayuu yiri Jawaari.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!