Gudoomiye Taabid Oo Ciidamada AMISOM Ka Dalbaday In Ay Kabaxaan Muqdisho Stadium

Read Time:33 Second

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka dalbaday Ciidamada AMISOM in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo wareejiyaan Muqdisho Stadium.

Guddoomiye Taabid ayaa shalay khudbad ka jeediyay shir xarunta Xalane uga socda dowladda Federaalka iyo Taliska AMISOM oo looga hadlayo qorshaha AMISOM loogala wareegayo xarumaha ay ka degan yihiin Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyada ammaanka dalka.

Mr Taabid ayaa sheegay in meelaha muhiimka u ah shacabka looga baahan yahay in AMISOM ay soo wareejiyaan, sida Garoonka Muqdisho Stadium iyo Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Waxaa uu sheegay in xarumahaas ay astaan u yihiin nabadda iyo bilicda Caasimadda, sidaas darteed ay muhiim tahay in shacabka loogu adeego sida uu yiri.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %