Gudoomiye Muungaab oo guluf ugu jira dhismaha Jidka Wadnaha ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiye Muungaab oo guluf ugu jira dhismaha Jidka Wadnaha ee Muqdisho

Mareeg.com: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa la kulmay mas’uuliyiinta hay’adda Horumarinta dalka Turkiga ee TIKA.

Gudoomiye Muungaab ayaa ka codsaday TIKA inay dadajiso dhismaha waddadaha Wadnaha ee magaalada Muqdisho, arrintaas oo ay horay u ballanqaadday.

Kulankaan uu guddoomiye Muungaab uu la qaatay madaxda Hay’adda TIKA ayaa waxaa looga hadlay dardar galinta howlaha horumarineed ay Hay’adda TIKA  ka wado magaalada Muqdisho iyo sidii loo dar dargelin lahaa.

Labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo badan oo ku saabsan dhismaha waddooyinka, gaar ahaan sidii loo bilaabi lahaa dhismaha wadada Wadnaha oo dhererkeedu gaarayo 10Km, isagoo ka codsaday inay la bilaabo dhismaha jidka Wadnaha.

Cali Maskan oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda TIKA ayaa dhankiisa soo dhaweeyay dalabka kaga yimid Maamulka Gobolka Benadir, isla markaana balanqaaday in Hay’addiisa ay xoojin doonto howlaha horumarineed oo ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Hay’adda TIKA ayaa ka fulisay magaalada Muqdisho dhismo waddooyin dhererkooda gaarayo 23km oo uu horey u amray Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!