Gudoomiye loo magacaabay degmada Ceelbuur oo la taageeray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiye loo magacaabay degmada Ceelbuur oo la taageeray

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay gudoomiye cusub u magacawday degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ay gacanta ku hayaan tiro yar oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo farabadan oo ka mid ah Amisom gaar ahaan Itoobiya.

Wareegto ka soo baxday wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, ayaa Nuur Xasan Guutaale loogu magacaabay gudoomiyaha degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad lagu taageeraayay magacaabista Nuur Xasan Guutaale, waxaana loo muujiyay in ay dadkiisu garab taagan yihiin.

Gudoomiyaha oo ka hadlay munaasabada, ayaa sheegay in degmada Ceelbuur ay ku nool yihiin 9 ruux oo shacab ah, 18 ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo tiro ka tirsan Amisom, oo aan la aqoon tiradoodu saxda ah.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in arrintaan ay ka dhalatay dib u dhac ka jira dadka reer Ceelbuur, wuxuuna soo jeediyay in loo istaago, sidii dib dadka reer Ceelbuur ee la barakiciyay loogu soo celin lahaa Ceelbuur.

Munaasabadda lagu taageerayey gudoomiyaha cusub ee degmada Ceelbuur ayaa waxaa ka waxaa ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiin iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay bulshadu sida dhalinyarada iyo haweenka kazoo jeeda degmada Ceelbuur.

Ka qeybgalayaashii munsabadda waxaa kamida ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta  dowladii KMG ahed, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn), Cabdifitaax Shaaweey, Xildhibaan Cabdiwali Maxamed Qanyare, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo xubno kale oo farabadan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!