Gudoomiye Ku Xigeenkii Shabeellaha Hoose Oo Ku Dhaawacmay Qaraxii KM4 Ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiye Ku Xigeenkii Shabeellaha Hoose Oo Ku Dhaawacmay Qaraxii KM4 Ee Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Qaraxii manta duhurkii ka dhacay agagaarka Isgoyka KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhaawacmay gudoomiye ku xigeenkii arrimaha amaanka ee maamulka Shabeellaha Hoose Axmed Cumar Mudane.

Gaari yar oo uu watay Amxed Cumar Mudane ataa loo xiray walxaha, wuxuuna kula qarxay agagaarka xaafadda taree biyaano oo ku dhow Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Axmed Mudan ayaa laga jaray lugta midig kadib markii la geeyey isbitaalka Madiina oo dhaawaciisa lagu daweynayo.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenkiisii dhinaca ammaanka laga jaray lug, sidoo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen qaybta sare ee jirdkiisa.

“Qaraxa wuxuu ahaa mid loogu xiray gaarigiisa, waxaana kasoo gaaray guddoomiye ku xigeenkayga dhaawac culus, inkastoo lagu daweynayo hadda isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Siidii oo wareysi siinayay VOA-da isagoo ku sugan Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, ilaa haddana lama garanayo in cid loo qabtay iyo in kale.

Saraakiisha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya wali kama hadlin dhacdada, mana jirto cida sheegtay qaraxa lagu dhaawacay Axmed Cumar Mudane.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!