Gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Xamar Jajab oo ku dhaawacmay qarax gaari

Read Time:50 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Guddoomiye ku-xigeenki hore amniga iyo siyaasadda ee degmada Xamar Jajab, Faarax Daahir Jimcaale ayaa ku dhaawacmay qarax loogu soo xiray gaari uu watay, iyadoo qaraxaasi uu ka dhacay xaafada Via Roma ee degmada Xamar Weyne.

Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne, Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in Faarax ay geeyeen isbitaalka Madiina halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladiisa, waxaana uu guddoomiyuhu intaa ku daray inaysan jirin cid kale oo wax ku noqotay qaraxa lala bartilmaameedsaday guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Xamar Jajab.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadira ayaa xusay in qaraxa uu ahaa mid gaariga loogu soo xiray, isagoo intaa ku daray in xaaladda degmada ay iminka ku soo laabatay caadigeeda.

Maanta ayaa waxaa bam lagu tuuray gaarigiisa ka badbaaday gudoomiye ku xigeenka Amaanka iyo siyaasadda degmada Hiliwaa Abshir Gaarane.

Alshabaab ayaa horay ugu hanjabay iney beegsan doonaan xubnaha cusub ee maamulka degmooyinka gobolka Banaadir iyo kuwii xilalka laga qaaqay, waxeyna qarx ku dileen xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Cabdi-kaafi Hilowle Cusmaan.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.