Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Qoryooley Oo Weerar Lagu Dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Qoryooley Oo Weerar Lagu Dilay

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Weerar Gaadmo ah ku Dilay Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Qoryooley ee Gobolka  Shabeellaha Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi(Carabey) oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay Weerar Gaadmo ahaa ku dileen Allaha u naxariisteen Cumar Nuune oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War kooban oo lagu daabacay Baraha internet-ka Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay Weerar Gaadmo ah ku dileen Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Nuune.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!