Mareeg.com: Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab, islamarkaana wadatay gaari yar ayaa saaka dishay gudoomiye ku xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Cabdifitaax Barre Guure.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen gaariga gudoomiye ku xigeenka, iyadoo sidoo kale halkaasi uu ku dhintay mid ah askarta ilaalada u ahaa.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dabley hubeysan oo mas’uulkaas dhintay ku weerareen xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.
Alshabaab ayaa durba sheegtay dilka mas’uulkaas ka tirsan maamulka degmada Wadajir, iyadoo horay isla degmadaas loogu dilay gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Howl-wadaag.
Mareeg Media
Comments are closed.