Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Oo Is Casilay + Sababta

War hada kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Mareeg.com ayaa waxa uu sheegayan inuu iscasilay C/laahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Sababaha uu isku casilay ayaa lagu sheegay in uu eedeen kala kulmay qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya,isaga oo lagu eedeeyay in uu taageero weyn u yahay Musharax Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana si cad warbaahinta ugu sheegay.

C/laahi Shiikh Ismaaciil fartaag ayaa dhawaan loo magacaabay  xilka Gudoomiye ku xigeenka Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen xubnaha Golaha shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia