Gudoomiye ku xigeenka amniga degmada Hiliwaa oo weerar ka badbaaday

Read Time:32 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo amaanka degmada Hiliwaa, Abshir Gaarane ayaa ka badbaaday weerar bambaano oo manta garigiisa lagu tuuray xilli uu marayey xaafadda SIISII ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka iyo dadkii la socday ayaa la sheegay iney weerarka badbaadeen hase ahaatee waxyeelo soo gaartay gaarigii uu mas’uulkaasi watay.

Ciidamadii ilaalada u ahaa Abshir Gaarane ayaa furay rasaaas, waxaana muddo hakad galay isu socodka wadada, siday ay sheegayaan dadka deegaanka.

Waa mas’uulkii ugu horreeyey ee ka tirsan maamulka degmooyinka gobolka Banaadir ee la weerarro, iyadoo dhawaan maamulka gobolka Banaadir badelay dhamaan gudoomiyaashii iyo ku xigeenadii degmooyinka gobolka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.