
Muqdisho, Mareeg.com: Baanka Dhexe ee Soomaaliya oo bilihii u dambeeyey ay heysatay hogaan la’aaan ayaa madaxtoyadu u magacaawaday gudoomiye cusub, kaasoo lagu magacaabo Bashiir Ciise Cali.
Magacaabista Bashiir ayaa ka dambeysay markii dhawaan ay si lama filaan isu casishay gabadhii ugu horreysay ee dowlad Soomaaliyeed ka dhigto gudoomiayaha Baanka Dhxe Yuusur Abraar, taasoo xilkaas heysay wax aan dhameyn labo bilood.
Magacaabista Bashiir Ciise ayaa ah mid KMG ah sida ay sheegayaan warar soo baxay, waxaana la filayaa in la horgeeyo golaha wasiirada Soomaaliya si ay u ansixiyaan.
Waxa uu ahaa Bashiir Ciise gudoomiyaha Bankiga dhexe waqtigii dowladdii KMG ee ay madaxda ka ahaayeen Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmad iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmad.
Bashiir ayaa is casilay kadib markii ay is qabteen isaga iyo Shariif Xasan Sheekh Aadam oo ahaa xiligaasi wasiirka maamliyadda Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Bashiir Ciise iyo Shariif Xasan ayaa la sheegay iney isku qabteen lacagihii Shiling Soomaaliga ee lagu soo daabacayay dalka Sudan, isagoo ku taliyay in aanay habooneyn in xilligaas lacag la soo daabaco, isla markaana dowladda aysan heysan awood ay ku socodsiiso, ayna keeni karto sicir barar ka dhasha.
Bashiir Ciise Cali ayaa leh khibrad dheer oo dhanka Bangiyada ah isaga oo ka soo shaqeeyey Bangigii dhexe e Soomaaliya. Waa nin kazoo jeedaa deeganada Puntland.
Deeq bixiyeyaasha taageera dowladda Soomaaliya ayaa kula taliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo magacaabo gudoomiye cusub oo uu yeesho Baanka Dhexe ee Soomaaliya.
Horay waxaa xilka uga tegay labo gudoomiye oo kala ahaa C/salaam Cumar Hadliye, kaasoo is casilay kadib markii Qaramada Midoobay soo saartay warbixin sheegeysa in Baanka si sharci darro ah loo daldasho lacagaha iyo Yussur Abrar oo iyaduna is casishay, sheegtana in lagu cadaadiyey iney ku dhaqaaqado wax aan sharci aheyn.
Mareeg.com