Gudoomiye cusub oo la wareegay maamulka degmada Xamarweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiye cusub oo la wareegay maamulka degmada Xamarweyne

Muqdisho – Mareeg.com: Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir “Carab”, ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay kadib markii dhawaan xilkaas loo magacaabay, islamarkaana xilkii laga qaaday gudoomiyihii hore.

Munaasabad ka dhacday xarunta degmada Xamarweyne ayaa C/qaadir Maxamed C/qaadir xilka ugala wareegay gudoomiyihii hore ee degmadaas C/llaahi Sahal Gardhuub.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Carab ayaa ballan qaaday inuu wax ka qabanayo arimaha amniga, shaqaaleysiinta dhalinyarada iyo dib u habeynta ciidanka booliiska degmadaasi.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarweyne waa nin dhallinyaro oo kazoo jeeda beelha Banaadiriga, waxna kusoo bartay dalka Suadan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar weyne Cabdullaahi Ibraahim Sahal Gardhuub ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay, oo ay ka mid yihiin dib u dhiska kawaanka hilibka, kawaanka Kalluunka, dayactirka Masjidka Xaaji Cali, sameynta tirikoobka dadweynaha ku dhaqan degmada iyo waxyaabo kale.

Mr Gardhuub ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay is bedelka socda, waxaana uu balan qaaday inuu la shaqeyn doono maamulka cusub.

Waa guddoomiyihii 7-aad ee xilka la wareega, tan iyo markii isbedelka uu ka dhacay gobalka Banaadir oo maamulka uu qabtay Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Waxaa horay gudoomiyaal cusub loogu dhiibay degmooyinka Shibis, C/caziiz, Kaaraan, Boondheere, Hiliwaa iyo Dharkeynley.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!