Gudoomiye cusub oo la wareegay maamulka degmada Waabari ee gobolka Banaadir

Read Time:49 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiye cusub ayaa maanta la wareegay maamulka degmada Waabari ee gobolka Banaadir, iyadoo xilkii laga qaaday gudoomiyihii hore ee degmadaas, Axmed Meyrre Makaraan (Faal).

Munaasabad maanta ka dhacday degmada Waaberi ayuu xilkii kula wareegay guddoomiyaha cusub ee degmadaas, Axmed Mumin Maxamed.

Waxaa munaasabadda xil wareejinta goobjoog ka ahaa Xoghayaha Gobalka Banaadir iyo afhayeenak gobalka Banaadir iyo dadweyne kamid ah kuwa degmada Waaberi.

Guddoomiyihii hore ee degmada Waaberi Axmed Mayrre Makaraan oo goobta ka hadlay, ayaa wuxuu ka sheekeeyay waxqabadkii maamulkiisa mudadii uu xilka haayey, wuxuuna umahadceliyay dhamaan intii lasoo shaqeysay mudadii uu xilka hayey.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Waaber Axmed Muumin Maxamed, ayaa goobta ka sheegay inuu ku dadaalayo xaqiijinta ammaanka degmada loo magacaabay inuu maamulkeeda hogaamiyo.

Axmed Muumin Maxamed ayaa sheegay in arrimaha horrumarinta iyo is-dhexgalka bulshada uu wax badan ka qabanayo.

Shalay ayay aheyd markii gudoomiyihii degmada Xamar C/llaahi Gardhuub uu xilka ku wareejiyey gudoomiye cusub oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.