Gudoomiyihii degmada Hodon oo xilka ku wareejiyey gudoomiye cusub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyihii degmada Hodon oo xilka ku wareejiyey gudoomiye cusub

Muqdisho – Mareeg.com: Guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Cabdulqaadir Cali Kulane ayaa kala wareegay xilka guddoomiyihii hore ee degmadaas Cabdi Maxamuud Warasame Dhabaney.

Guddoomiyihii hore ee degmada ayaa sheegay inuu la shaqeynayo guddoomiyaha cusub iyo maamulka degmada ee uu hoggaaminayo.

Cabdulqaadir Cali Kullane, guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa guddoomiyihii hore ku ammaanay wax qabadkiisii, wuxuuna ballanqaaday inuu sii dar-dar galinayo dadaalkii guddoomiyihii hore.

Wareegto dhowaan ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen ayaa xilka loogu magacaabay Cabdiqaadir Kulane.

Waxaa horay gudoomiyaal cusub loogu dhiibay degmooyinka Xamar Jajab, Shibis, Kaaraan, Boondheere, Dharkeynley, Dayniile, Hiliwaa, Waabari, Xamarweyne iyo C/caziiz.

Waxaa weli xilalkoodii haya gudoomiyaaha degmooyinka Wadajir, Wardhiigley, Yaakhshiid iyo Shangaani, inkasoo wararka qaar sheegayaan in xilka laga qaaday gudoomiyaha degmada Shangaanni.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!