Gudoomiye Baarlamaanka K/galbeed Oo la doortay
Baydhabo ( Mareeg)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa ku soo warramaya in Doorashada Guuddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed oo maanta lagu qabtay Magaaladaas ay soo gaba gabowday.
Doorashada oo dhexmartay Labo Musharrax oo kala ahaa Dr Cali Xasan Cismaan iyo Cabdiqaadir Shariif Sheekh Una ayaa waxaa lagu kala baxay wareega koowaad.
Dr Cali Xasan Cismaan ayaa helay illaa 33 Cod halka Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna uu helay 110 Cod sidaas waxa ay guusha ku raacday Cabdqaadir Shariif Sheekhuna.
Sidaas daraadeed Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna.
Comments are closed.