Gudoomiyaha xisbiga Midnimo-Qaran oo kulan xog waraysi ah la yeeshay jaaliyada Soomaaliyeed

Mareeg.com- Dr Abdirahman Macalin Cabdulahi Baadiyow oo ah gudoomiyaha xisbiga Midnimo-Qaran ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Edmonton ee Galbeedka Canada.

Dr Cabdiraxman Baadiyow oo ka mid ahaa musharaxiintii  rajada badan lahaa ee tartankii madaxtinimada 2012  ayaa horaantii sanadkan ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo laga yaabo in uu doorashada soo socota ee 2016 kaga qayb-galo.baadiyo

kulanka uu gudoomiyaha xisbiga Midnimo-Qaran la yeeshay xubnaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Edmonton ayaa ku saabsanaa sidii uu Mudane Baadiyow uga warbixin lahaa jaaliyada xaaladaha wadankii hooyo ka jira gaar ahaan dhinacyada Siyaasada ,Amaanka iyo nolosha dadwaynaha caadiga, waxaa kale oo kulanka ku lamaansanayd in Dr Cabdiraxman Baadiyow uu xubnaha Jaaliyada ka gado  mowqifka siyaasadeed ee xisbigiisa iyo rajada uu ka qabo aqoonyahan ahaan mustaqbalka dalka in nabad iyo xasilooni uu ku danbayn doono.

markii uu Mudane baadiyow u warbixiyay xubnihii kulanka ka soo qaybgalay ayuu ka jawaabay su’aalo ay waydiiyeen ka soo qayb-galayaasha oo isugu jiray  rag,dumar iyo dhalinyaro intooda badan wax ka barta jaamacadaha dalka Canada gaar ahaan magaalada Edmonton.

Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulahi Baadiyow  ayaa mudadii burburka  kaalin weyn ka gaystay dib u soo noolaynta waxbarashadii dalka ee la burburtay dagaaladii sokeeye, wuxuuna sidoo kale ka tirsanaa saraakiishii ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed.