Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo Horumarka Gen Hasan muungaab Oo Ka tacsiyeeyay Geerida Eng.Yariisow

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka Ahaana Gudoomiyihii Hore ee gobolka banaadir iyo Duqii Magaalada muqdisho Gen Hassan mohamed Hussen muungaab Ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa facebook Kaga Tacsiyeeyay shacabka somaaliyeed guud ahaan gaar ahaan shacabka gobolka banaadir geeridii Ku timid alaha u naxariistee Gudoomiyaha gobolka banaadir iyo Duqa magalada muqdisho Eng Yatiisoow .

Bartiisa facebook ayuu qoraalkaan ku daabacay.

 

إنا لله وإنا إليه راجعون

Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo Kan Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, Gaar ahaan Ehelka iyo Asxaabta uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Guddoomiyihii G/Banaadir Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Yariisow)

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan naga wada siiyo.

Qaraxii sababay geerida Guddoomiye Yariisow, mas’uuliyiintii Gobolka iyo dhaawaca kuwo kale oo weli jiifa Isbitaallada, kana dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir wuxuu shaki weyn ku abuuray Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ku gadaaman mugdi weyn oo looga fadhiyo Dowladda Federaalka inay caddeyeso arrimaha soo socda:

Sida uu Qaraxa u dhacay, Cidda fulisay, cidda fududeysay iyo Cidda qaadeysa Mas’uuliyadda Fashilka Amni ee aan indhaha laga qarsan karin.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya inay umadda u caddeeyaan sida wax u dhaceen, waxaana waajib loogu leeyahay inay qanciyaan ehelada iyo umadda Soomaaliyeed, Inta mugdigaas jiro way adag tahay in la aamino madaxda Dalka iyo Hay’adaha Amniga.

Eng. Yariisow Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Guddoomiye Gobol oo loo diiday in uu wax Kaalin muuqata ah uu ku yeesho Nabadgelyada Gobolka uu Xaakimka ka ahaa ee Banaadir, Xitaa Ilaalada Xafiiskiisa kama Amar qaadanjirin, Dabadeedna si fudud loo Shirqoolay!

إنا لله وإنا إليه راجعون

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!