Gudoomiyaha Xiriirka Shatranjiga Soomaaliya oo gaaray Sweden

Read Time:59 Second

Mareeg.com: Gudoomiye ku-xigeenka Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ahna gudoomiyaha Xiriirka shataranjiga Axmed Cabdi Xasan (Wataac) ayaa gaaray maanta Magaalada Tromso ee dalka Norway,halkaasi oo u ka bilowdey shirweynihii 85-aad ee xiriirada Chess-ka Caalamka.

Gudoomiye Wataac ayaa sheegay in halkaasi si weeyn loogu soo dhoweeyey,isla markaana uu durba bilaabay ka qeybgalka shirarka madaxda Shataranjiga ee halkaasi ku sugan.

“Waxaan metelayaa dalka Soomaaliya, gaar ahaan Hey’adda sare ee GOS iyo xiriirka Shataranjiga, maalmaha soo socda ayaan u sharaxayaa Madaxda aan la kulmo, dhaq-dhaqaaqa aanu ku dooneyno inaan Sportiga dalkeena ku gaarsiino meel sare,gaar aha ciyaarta Shataranjiga oo caalamka si weeyn looga ciyaaro” ayuu yiri Wataac.

“Waxaa halkaan ka socda tartankii 41-aad ee Chess Olympiad,iyadoo sidoo kalena la guda-gali doono shirarka looga hadlaayo sidii talaabo kale oo horu-marineed loo gaarsiin lahaa ciyaarta shataranjiga Chess-ka” ayuu sidoo kale yiri Wataac.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Congresska 85-aad ee Chess-ka uu halkaasi ka bilaaban doono kaasi oo socon doona ilaa 14-ka bishan, laguna dooran doono gudigii hogaamin lahaa,Xiriirka Chess-ka aduunka mudada 4-ta sano ee soo socota.

C/Xafiid Zaciimka

Waaxda warfaafinta GOS

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.