Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado

Waxaa Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug gaaray Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ibraahin Iidle Suleemaan iyo Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir

Wafdiga maanta gaaray Cadaado ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ibraahin Iidle Suleemaan ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug iyo Odayaasha Waxgaradka ah ee ku dhaqan Magaalada Cadaado.

Amaanka Magaalada Cadaado ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana Ciidanka maamulka Galmudug ay xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Madaxtooyada Magaalada Cadaado.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!