Gudoomiyaha maxkamada ciidamada ee gobolka Bari oo ka badbaaday iskuday dil

Read Time:1 Minute, 9 Second

Mareeg.com: Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowad ee ciidamada gobolka Bari ee maamulka Puntland, Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed ayaa shalay galab ka badbaadey isku-day dil oo lala damacsanaa.

Isku daygaan dilka ayaa dhacey kadib markii Gudoomiyuha uu ka baaqsadey safar uu ku tagi lahaa magaalada Bosaso isagoo ku hakadey magaalada Qardho.

Cabdifataaax Xaaji Aadan ayaa safar shalay kaga baxey magaalada Garowe, wuxuuna markii uu tegay Qaridho darewelkiisa u direy magaalada Bosaso isagoo kaga harey halkaas, balse waxaa wadada u galey kooxo hubeysan sida wararku sheegayaan kuwaas rasaas farabadan la beegsadey.

Darewalkii gaariga ayaa gaarey magaalada Bosaso isagoo bad-qaba balse baabuurkii uu watey rasaas farabadan haleeshey waxaana wararku xusayaan iney ka dambeeyeen dhacdadaan koox ka tirsan A-shabaab ee ku dhuumaaleysata buuraha Golis.

Goobta lagu rasaaseeyey gaarigaan ayaa sida wararku sheegayaan ah halkii horey loogu diley sarkaalkii xakumey ciidamada Puntland ee saldhigoodu yahay agagaarka buuraha Golis, Jamac Af-Guduud.

Cabdifataax Xaaji Axmed ayaa horay xukuno dil ah oo la fuliyey ugu riday tiro badan oo ka tirsan Alshabaab-ka deegaanada Puntland.

Isku daygaan dilka ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan la diley Taliyihii Qaybta Booliiska gobolka Barri Col. Muslim kadib markii nin salaamaya isku-qarxiyey.

Sarkaal dhowaan u hadley A-Shabaab-ka ku dhuumaaleysta buuraha Golis ayaa sheegey iney bilaabeen weeraro ay la beegsanayaan saraakiisha amniga sugta ee Puntland isagoo dadweynaha uga digey iney ka fogaadaan goboaha la isugu yimaado.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.