Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Queensland oo booqasho ku yimid Soomaaliya iyo Kenya+Sawirro

Read Time:1 Minute, 18 Second

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Queensland ee dalka Australia Faysel Ahmed Selat oo booqasho ku bixiyay gobalka Geeska Afrika gaar ahaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay magaalada Logan ee Queensland.

Gudoomiye Faysal ayaa intii uu joogay magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho wuxuu kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin katirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaano, wasiiro siyaasiyiin , Aqoonyahano iyo qaar kamid ah madaxdii dalka soo martay.

Inta uu ku guda jiray kulamadiisa Gudoomiye Faysel Ahmed Selat ayaa waxa uu kala sheekeystay mas’uuliyiinta uu la kulmay Geedi socodka dalka, nabadeynta, amniga, doorashooyinka iyo waliba xaaladaha Bini’aadanimo ee ka taagan dalka.

Qaar kamid ah madaxda uu la kulmay Gudoomiyaha waxaa kamid ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad iyo waliba Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Hadaba Hoos ka daawo qaar kamid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay Gudoomiyaha.

Gudoomiye Faysel Ahmed Selat iyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmad
Gudoomiye Faysel Ahmed Selat iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheek Aadan Madoobe
Gudoomiye Faysel Ahmed Selat iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid
Safiirkii hore ee Soomaaliya Ambassador Cali Ameeriko iyo Gudoomiye Faysel Ahmed Selat
Xildhibaan Axmad Nuur Diiriye iyo Gudoomiye Faysel Ahmed Selat
Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Duulista Hawada ahna maareeyaha guud ee garoomada Soomaaliya Cabdiwali Ibraahim Garyare, Safiir Mohamed Abdi Aden iyo Gudoomiye Faysel Ahmed Selat

@Mareeg waxaa ka daalacan kartaa wararka iyo warbixnada la xiriira Soomaaliya had iyo jeer

Shabakadda Wararka Mareeg

Mogadishu-Somalia

Loyalyare12@gmail.com

About Post Author

News24

Member of somali Federation of Somali Journalists he can be contacted by info@mareeg.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Average Rating

5 Star
0%
4 Star
0%
3 Star
0%
2 Star
0%
1 Star
0%

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *