Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland: Ma garaneyno waxaanu niraahno Suldaan fidnoobay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland: Ma garaneyno waxaanu niraahno Suldaan fidnoobay

Mareeg.com: Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, oo markii u horaysay ka hadlay arrinta Suldaan Wabar-ka galay Buuraha Gobolka Awdal, islamarkaana maleeshiyaad beeleed ka horjeeda maamulka Somaliland uruursaday ayaa sheegay inaanay halkaasi kaga daba tagayn Suldaankas.

Golaha Guurtida ayaa muddooyinkii u dambeeyay lagu dhaliilayay inay ka gaabiyeen doorkooda xallinta arrimaha amaanka ee dhaqanka la xiriira balse Gudoomiye Saleebana ayaa arrintaasi golaha ka difaacay “Annagu hawlahayaga kama baaqsanee, Suldaan Irdhoobay  oo fidnoobay dee anagu waxaanu nidhaahno garan mayno, aydana kaga dabatagi mayno” ayuu yiri Gudoomiye Saleeban.

Gudoomiyaha Guurtidu waxa uu xallinta arrinta Awdal muddooyinkii u dambeeyay ka taagan ku riixay reer Awdal oo uu sheegay inay ku filan yihiin “Reer Awdal iyagaaba ku filan, dalkuna cidna fawdo ugama baahna, Nin Suldaan sheeganayana hadalkiisaba daa, dee Illaahay ha inoo soo hadeeyo”

Suldaanka Buuraha galay ee Somaliland ka soo horjeestay ayaa wali ku jira inta u dhexaysa Xuduudka Somalila iyo Ethiopia ee ku beegan Gobolka Awdal.

Wada hadalo la sheegay in hogaanka dhaqanka iyo Suldaanku yeelan jireen ayaan waxba iska bedelin, iyadoo sidoo kalena tabashada Awdal wali halkeedii taagantahay.

Warka kasoo baxay Saleebaan Maxamed Aadan ayaa kusoo beegmay iyadoo horay madaxweynaha maamulka Somaliland uu amray in lasoo qabo Suldaan Wabar, islamarkaana uu maalmahaan ku sugan yahay gobolka Awdal oo suldaankaasi kasoo jeedo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.