Gudoomiyaha gobolka Bari oo ka warbixiyey weerar uu ka badbaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha gobolka Bari oo ka warbixiyey weerar uu ka badbaaday

Mareeg.com: Dabley ku hubeysan qoryo, bastoolado iyo bambaanooyin ayaa xalay weerar ku qaaday guriga gudoomiyaha gobolka Bari, C/samada Maxamed Gallan ee magaalada Boosaaso.

Maamulka gobalka Bari iyo taliska qeybta booliska gobalka oo maanta warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa ka warbixiyey weerarkaas qorsheysnaa ee xalay ka dhacay magaalada Boosaaso.

Weerarka ayaa lagu qaaday guriga uu ka degan yahay magaalada gudoomiyaha gobalka C/samad Maxamad Gallan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, iyadoo uu ku dhintay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaadada gudoomiyaha, halka uu ku dhaawacmay askeri kale. Sarkaal dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Axmad Xasan.

Gudoomiyaha gobolka Bari, C/samad Maxamad Gallan oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in xalay aqalkiisa ay soo weerareen koox hubaysan, xili uu ka maqnaa.

“Waxa ay ka soo weerareen guriga laba jiho, iyagoo isticmaalaya bambooyinka gacanta laga tuuro, bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca” ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiye Gallan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dableyda weerarka ku qaaday gurigiisa ay isku dayeen iney dhismaha gudaha u galaan, hase ahaatee sida uu yiri ay dib u riixeen ilaaladii goobta ku sugneyd.

Gudoomiyaha ayaa ugu tacsiyadeeyey ehaladii iyo qaraabadii uu ka tagay sarkaalka ku geeriyooday weerarka, isla markaana Alle uga baryey askeriga kale ee ku dhaawacmay in caafimaad deg-deg ah uu siiyo.

Taliye xigeenka qeybta booliska gobalka Bari, Axmad Yuusuf Muuse Jaqanaf, oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in xukuumadda ay wado baaritaan xoogan oo ku aadan weerarka.

Weerarka xalay lagu qaaday gurriga gudoomiyaha gobolka Bari ayaa la sheegay inuu yahay kii horreeyey.

Ma jirto cid weli shegatay weerarkaas khasaaraha geystay ee lagu qaaday gudoomiyaha gobolka Bari, C/samad Galan, hase ahaatee Alshabaab ayaa magaaladaas horay uga geystay weeraro.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!