Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan la qaatay safiirka Qatar

Read Time:31 Second

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamza Assad.

Kulankan ayaa loogaga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xariira mashaariicda lagu horumarinaayo dhismaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii safaarada Qatar u heli laheyd dhul ay ka hirgaliso dhismaha cusub ee Safaarada Dowlada Qatar ku lee dahay Soomaaliya Maadaama haatan si ku meel gaar ah dhul kale ugu shaqeyso.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera siiya Soomaaliya, waxaana la sheegaa inay saaxiibo dhow la tahay Madaxda Villa Soomaaliya.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.