Gudoomiyaha degmada Yaakhshiid oo jeydal la soo dhex istaagay Suuqbacaad! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha degmada Yaakhshiid oo jeydal la soo dhex istaagay Suuqbacaad!

Mareeg.com: Maalintii 2-aad waxaa hakad ku jira goobaha ganacsiga ee ku yaalla hareeraha wadada laamiga ah ee dhexmarta Suuqbacaad ee magaalada Muqdisho, halkaasoo dadka guryaha ku leh hareeraha wadada maamulka degmadu ka dalbaday iney bixiyaan lacago badan.

Sababta dadka leh guryahaas loo weydiiyey lacagta ayaa lagu sheegay iney tahay taakuleyn la siinayo qorshaha lagu dayactirayo wadada laamiga ah ee isku xirta Afarta Jardiino iyo Hotel Towfiiq oo hadda meel fiican mareysa.

Maamulka degmada Yaakhshiid ayaa milkiilayaasha guryaha ku amray iney bixiyaan lacag gaareysa ilaa $1500 dollar si loogu taageero mashruuca lagu dhisayo wadada laamiga ah, waxaana arrintaas ka dhega adeygay milkiilayaasha.

Gudoomiyaha degmada Yaakhshiid, Cusmaan Cadaawe oo wata ciidamo, islamarkaana gacanta ku wata jeydal ayaa saaka bilaabay inuu dul istaago goob kasta ee ganacsi ee miilkiilaha dhismaha ay degantahay uusana bixin lacagta laga dalbay, wuxuuna amar ku siiyey in albaabada loo laabo.

Jiha-wareerka ayaa xoogiisu shalay bilwoday kadib markii ciidamo uu gudoomiyuhu soo diray ay xireen inta badan goobaha ganacsiga, waxaase maanta toos u yimid suuqa gudoomiye Cadaawe, kaasoo xiray inta badan ganacsiga ku yaala hareeraha laamiga.

Dhibaatada xoogeeda ayaa ku dhacday dadka ganacsatada ah oo aan iyagu laheyn goobaha ay ku ganacsadaan, iyadoo ay kala dhunteen dadkii guryaha lahaa ama mas’uulka ka ahaa.

Waxaa taas sii dheer buuq maalmahaan ka taagnaa lacago canshuur ah oo gaaraya $20 dollar, kuwaasoo laga rabo goob kasta oo ganacsi oo ku taalla Suubacaad.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa muran xoogan ka dhex jiray wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo ku dooday in wasaaraddu afka u dhigatay dhaqaale ay aheyd in gobolka qaado.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!