Gudoomiyaha Degmada Tayeeglow Oo Baaq U Diray Madaxweyne Farmaajo

Gudoomiyaha Degmada Tayeeglow ee Gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Xasan Foodcade ayaa ka hadlay xaalada Degmada Tayeeglow oo ay wali gacanta ku hayaan Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Maxamed Cabdulle Xasan Foodcade ayaa sheegay in dad badan oo kasoo barakacay Degmada ay soo gaareen Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool , halkaasina ay ku haysato dhibaatooyin adag oo dhanka Nolasha ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha Demada Tayeeglow ee Gobolka Bakool in 800 boqol oo qoys ay hadda ku sugan yihiin Degmada Xudur , islamarkaana ay Ururka Al Shabaab ay dhibaato ku haayaan dadkii ku haray Degmada Tayeeglow.

Gudoomiyaha Degmada Tayeeglow  ee Gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Xasan Foodcade  ayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ugu baaqay in uu ku taageero sidii Ciidanka dowladda Soomaaliya ay dib ugu qabsan lahaayeen Degmada Tayeeglow ee Gobolka Bakool oo hada ay ku sugan yihiin Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia