Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Oo Maanta Weerar Lagu Dhaawacay

Read Time:40 Second

Wararka ka imaanaya Xadka kala qeybiya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayan in weerar culus lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo la socday Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiran.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa lagu soo waramayaa in weerarka maanta lagu qaaday uu dhaawac ka soo gaaray waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Saddex Ruux oo la socotay Gudoomiyaha.

Maxamed Cabdulle Fiidow Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa la sheegay inuu ka amba baxay Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle waxaana uu ku siijeeday Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Warar kale  oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab ay wada u galeen Wafdiga Gudoomiyaha waxaana ilaa lada Gudoomiyaha iyo Al Shabaab dhexmaray dagaal socday mudo.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay xaaladiisa hada tahay mid wanaagsan.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.