Mareeg.com: Gudoomiyaha degmada Dharkeynley, Aadan Maxamed Cumar ayaa maanta ka badbaaday qarax lagula eegtay agagaarka warshadda baastada ee degmada Yaakhsiid, kaasoo haleelay gaarigiisa.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Dharkeynley Da’ud C/llahi Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in gudoomiyuhuu ka badbaaday weerarkaas.
Da’ud C/llahi Nuur ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday gaariga gudoomiyaha ay ku dhaawacmeen 4 ka mid ah ilaaladiisa, oo mid ah xaaladiisu liidato.
Wuxuu sheegay Da’ud C/llahi Nuur in askarta ku dhaawacantay qaraxaas la dhigay Isbitaalka Keysaney ee bariga magaalada Muqdisho.
Mareeg Media
Comments are closed.