Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare oo muqdisho lagu dhaariyay.

Read Time:1 Minute, 46 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada, maalin kaddib markii uu magacaabay, isla markaana xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee xilkaas hayay Ibraahim Iidle Suleymaan.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiirka Cadaaladda, xubno ka socday Hey’adaha Garsoorka iyo Mas’uuliyiin kale.

DHAARTA GUDOOMIYAHA

“Muddooyinkii la soo dhaafay dadkeennu waxa ay ka hadlaayeen caddaalad darro dhinac walba ah oo baahsan. Waxaan ku samaynaynay daraasad meesha dhibku ka taagan yahay iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka. Waxaa noo soo baxday in loo baahan yahay dib-u-habayn, dib-u-habayntaasina maanta ayay bilaabatay, waxaana noogu xigi doona in aan dhisno Golaha Adeegga Garsoorka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xilka culus ee uu u magacaaabay, isaga oo ka codsaday laamaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa xilka culus ee loo igmaday.

Guddoomiye Baashe oo hadal kooban jeediyay dhaarinta kaddib ayaa yiri: “Helitaanka garsoor hufan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeega caddaalad, waxa uu aasaas u yahay in la helo caddaalad oo iyaduna saldhig u ah wax kasta oo saameeya nolosha bini’aadamka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyay Guddoomiyaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, wuxuuna faray goleyaasha dowladda in ay soo dhameystiraan dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka oo wax weyn ka taraya dib-u-habeynta iyo hufnaanta garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu magacabaayo Guddiga Dib-u-eegista Dacwadaha iyo Cabashooyinka oo si dhaw ula shaqeynaya Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare. Guddigan oo ka kooban sharci yaqaanno iyo culumada diinta ayaa dib u dhegeysanaya dacwadaha lagu muransan yahay iyo xukunnada ay sida khaldan u rideen hay’daha Garsoorka dalka.

Dhaarinta Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ayaa ku soo aadeysa, iyadoo uu qaadacay xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda sare, isla markaana ku tilmaamay mid sharciga baal marsan, waxaana dhaarinta Guddoomiyaha cusub u muuqataa mid degdeg ka muuqata.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %