Gudoomiyaha Cusub Ee Golaha Wakiilada Puntland Oo Xilka La Wareegay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha Cusub Ee Golaha Wakiilada Puntland Oo Xilka La Wareegay

Garowe, Mareeg.com: Guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Puntland ee la doortay horaantii bishaan Janaayo 2014, Saciid Xasan Shire ayaa maanta xilka kala wareegay guddoomiyihii hore Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Saciid Xasan Shire, guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo ka hadlay munaasabadda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay inuu rajeynayo in baarlamaanka cusub uu Puntland gaarsiin doono meel ka wanaagsan meesha uu hadda joogo.

Guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ku ammaanay xildhibaannadii hore ee baarlamaanka sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen shantii sano ee uu xilka hayay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji ayaa ka qeyb-galay munaasabadda xil wareejinta, waxaana la filayaa in labadaan mas’uul xilka la wareegaan 24-ka bishaan Janaayo 2014.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa khudbad ka jeediyey baarlamaanka, ayaa sheegay in ay farxad u tahay in uu goob joog ka yahay fadhiga Baarlamaanka ee xilka uu si toos ah ula wareegey Guddoomiyaha cusub.

Dr. Cabdiweli Madaxweynaha Puntland ayaa so dhaweeyey guddoonka cusub, waxaana uu mahadiyey kii hore, isaga oo ballan qaadey in wada shaqeyn dhaw ay yeelan doonaan baarlamaanka iyo xukuumaddu.

Madaxweynaha Puntland ayaa ballan qaadey in uu ku dedaalayo in wada shaqeyn ilaalineysa shaqadooda isla markaana xadeyneysa Madaxbanaanida Baarlamaanka uu la samayn doono Xildhibaanada. Madaxweynaha ayaa siiyey Xildhibaanada awood wada tashi dhismaha xukuumadda si wada shaqeyntu u wanaagsanaato.

“Cid jeebka iigu jirta ama dano gaar ah saaxiibtinimo naga dhexeyso shaqqo xukumaada kama siinayo, haddii aanu wadatashi ku imaan”. Dr.Cabdiweli Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha ayaa ka hadley in Xildhibaanada laga doonayo in ay ka warqabaan dadkii ay metalayaan, dib ugu labtaan xukuumadduna u fududeyn karto arrimahaas, “Ha noqonina dad caasimadda kaliya fadhiya ee waa in aad ka warqabtaan halkii la idinka soo doortey” ayuu yiri Dr. Gaas.

Madaxweynaha ayaa ballan qaadey in ay ka warqabayaan Xildhibaanaddii la diley iyaga oo shaqadooda gudanaya ehelkoodi, waa waajib dastuuri ah yuu yiri.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!