Gudoomiyaha cusub ee degmada Dharkeynley oo xilka lagu wareejiyey

Read Time:41 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Munaasbad xil wareejin ah ayaa maanta lagu qabtay xarrunta degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, iyadoo uu xilka la wareegay gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay.

Munaasabad ay goob joog ka ahaayeen mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa xilka maamulka degmadaasi kula wareegay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay deegmada Dharkeynleey, Dr. Aadan Maxamed Cumar.

Guddoomiyihii hore ee degmadaasi Macalin Cabdulle Cali Hilowle ayaa si rasmi ah xilka wareejiyey gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada Dharkeynleey.

Waa gudoomiyihii labaad ee xilka laga qaaday ee kursiga ku wareejiya gudoomiyaha cusub, iyadoo horay uu xilka ula wareegay gudoomiyaha cusub ee degmada Shibis C/fataax Nuur Cali.

Waxaa la filayaa in xilka laga qaado gudoomiyaal kale, iyadoo tilaabadaan uu ku dhaqaaqay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.