Gudoomiyaha cusub ee degmada Boondheere oo xilka la wareegay

Read Time:1 Minute, 12 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiyihii hore ee degmada Boondheere C/llaahi Xirsi (Istakiin) ayaa manta xilka ku wareejiyey gudoomiyaha cusub ee uu dhawaan soo magacaabaya gudoomiyaha gobolka Banaadir Jen. Muungaab.

Xaflad xilka ay ku kala wareegayeen gudoomiyaha cusub ee degmada Boondheere Qaasim Xasan Cabdulle iyo gudoomiyihii hore, C/llaahi Istakiin ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xaflada ayaa waxaa ku sugnaa Xoghayaha gobolka Banaadir Maxamed Sheekh Cilmi iyo Afhayeenka gobolka Cabdi Baasid, waxaana hadalo kooban ay goobta ka jeediyeen ugu hambalyeyeen howsha uu soo qabtay gudoomiyihii hore ee degmada Boondheere C/laahi Xirsi “Istakiin”, iyagoona dhanka kale gudoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu la yimaad waxqabad wanaagsan.

Sidoo kale, waxaa munaasanada xil wareejinta ka hadlay gudoomiyihii hore ee degmada Boondheere C/laahi Xirsi Istakiin, isagoona tilmaamay in dhinacyo badan wax ay ka qabteen, sida amaanka, Nadaafada iyo Waxbarashada.

Wuxuuna gudoomiyaha Cusub u sheegay in howsha halka hada ay taagan tahay ka sii wado.

Gudoomiyaha Cusub ee degmada Boondheere Qaasim Xasan Cabdulle oo hadalka qaatay ayaa amaanay maamulkii hore ee degmada Boondheere, isagoona hoosta ka xariiqay inaan howlo badan oo la dafari Karin uu maamulkii hore ku talaabsaday.

Gudoomiyaha Cusub ayaa balan qaaday inuu la imaan doono isbadal cusub.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Boondheere ayaa noqonaya gudoomiyihii 4-aad ee badela gudoomiye hore, iyadoo horay ay hogaanka u qabteen rag cusub ee ilaa 3 degmo oo kala ah: Shibis, Hiliw iyo Dharkeynley.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.