
Muqdisho, Mareeg.com: Gudoomiyaha cusub ee Baanka Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa manta lagu soo dhaweeyey Muqdisho.
Gudoomiyaha cusub oo madaxtooyadu ku magacaawday soo jeedin ka timid wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleyman ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya shirkoodii khamiislaha ahaa ee 28-kii bishaan Novembere 2013 ku ansixiyeen.
Munaasabad lagu soo dhaweynayay guddoomiyaha cusub ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan saraakiisha iyo shaqaalaha bangiga dhexe ayaa maanta lagu qabtay xarunta Bangiga Bhexe.
Kulanka soo dhaweynta waxaa laga soo jeediyey hadallo ku saabsan marxaladihii kala duwanaa ee uu Bankigu soo maray, wixii ka dambeeyay sanadkii 2007dii oo ahayd markii dib loo howgeliyay Bangiga dhexe ee Soomaaliya,
Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo munaasabadda hadal jeediyay ayaa ku nuux nuuxsaday lagama maarmaannimada in la tayeeyo shada iyo shaqaalaha, isagoo intaa kudaray in muhiimadda koowaad la siin doono kordhinta aqoonta shaqaalaha bankiga, si ay taabo-gal u noqoto shaqada ay umadda u hayaan.
Bashiir Ciise Cali wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la helo qalab casri ah oo looga shaqeeyo bankiyada, islamarkaana bangigu baahanyahay howlwadeenadii qalab casir ah ku howgeli kara.
Guddoomiyaa waxa uu shaqaalaha Bangiga ku guubaabiyay inay la yimaadaan waajib gudasho dhab ah, isagoo xusay in markaan bankiga looga baahanyahay in uu bixiyo xaquuqdii shaqaalahaasi, waxaana uu soo hadal qaaday arrimo la xiriira daryeelka shaqaalaha bankiga.
“Waxaan shaqaalaha kula dar daarmayaa in ay u diyaar garoobaan shaqo adag, waxaana idinkaga mahadcelinayaa sida wacan ee aad ii soo dhaweyseen” ayuu guddoomiyaha Bankiga dhexe Bashiir Ciise Cali.
Bashiir Ciise ayaa xilliyadii madaxweynayaashii hore ee C/llaahi Yusuf iyo Sheekh Shariif soo hogaamiyey baanka dhexe, wuxuuna xilkaas iska casilay intii Shariif xilka hayey kadib markii is khilaafeen wasiikii hore ee maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Magacaabista iyo howlgelidda Bashiir ayaa kusoo begantay xilli Bankigu uu ku jiro marxalad culus, islamarkaana labo mas’uul oo hore xilkaas isaga tageen kadib markii la sheegay inuu jiro bood lagu hayo hantida dowladda, labadaas mas’uuli ee hore ayaa kala ahaaa C/salaam Cumar Hadliye iyo Yussur Abraar.
Mareeg.com